Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedGudoomiye Mursal oo Senetaro ka tirsan aqalka sare ka cayriyay kulanka golaha...

Gudoomiye Mursal oo Senetaro ka tirsan aqalka sare ka cayriyay kulanka golaha shacabka ugu socda Villa Hargaysa!

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa howlka ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargaysa ka cayriyay Senetaro ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo doonayay in ay ka qayb galaan kulanka madaxweyne Farmaajo ka dalbaday golaha shacabka.

In ka badan 140 Xildhibaan ayaa ku sugan Xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo labadiisa ku xigeen, waxaana goordhow halkaasi ku wajahan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu qudbad ugu jeediyo baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal oo furitaanka kulanka khudbad ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in kulanka Maanta uusan aheyd mid wadajir ah isla markaana senetarada laga doonayo in ay iskaga baxaan kulanka.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Maxamed Mursal in aysan jirin wax muddo kororsi ah oo la sameeynayo, islan markaana aysan waxba ka jirin wararka la faafiyay ee sheegayay in Madaxweynaha uu muddo kororsi weydiisan doono Xildhibaanada.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayuu sheegay inuu uu yahay khudbad jeedinta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu uga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor sii horeysay oo xalay sheegay in uusan jirin kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, xili Senataro ay sheegeen inay ka qeyb galaan kulanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments