Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedKulan gaar ah oo u socdo Madaxda dowlad Goboleedyada

Kulan gaar ah oo u socdo Madaxda dowlad Goboleedyada

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ku sugan  Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay haatan leeyihiin kulan gar ah oo ay uga hadlayaan arrimo dhowr ah.

Madaxweynayasha, Jubbaland, Puntland, Hir-Shabeelle, Galmudug  & koonfur Galbeed ayaa kulankooda waxaa ay yga arrinsanayaan xaalada dalka, maadaama uu natiijo la’aan ku dhamaaday kulankii ka dhacay Magaalada Dhuusamareb.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegay in Madaxda dowlad Goboleedyada ay si aad ah uga hadlayaan sida laga yeelayo xaalada dalka maadaama aan weli heshiis laga gaarin arrimaha doorashooyinka dalka.

In ka badan Saddex Cisho ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb uu kulan uga socday Madaxweyne Farmaajo oo uu wehlinayay Ra’iisul Wasaare Roobl, Madaxda dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir balse kulankaas aan wax natiijo ah kasoo bixin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments