Saturday, June 25, 2022
HomeUncategorisedKulanka Baarlamaanka oo goordhow furmayo & Madaxwyenaha oo hortagayo

Kulanka Baarlamaanka oo goordhow furmayo & Madaxwyenaha oo hortagayo

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho in uu kulan wadajir ah uga furmo, waxana hortegaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka ayaa waxaa dhawaan codsaday Madaxweyne Farmaajo, iyada oo safar deg deg ah uu Maanta uga yimid Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii xalay shirkii ka socda la soo geba-gabeeyay, iyada oo aan wax natiijo ah kasoo biixn.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu Xildhibaannada labada Aqal in uu u jeeduyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal haayay in Madaxweyne Farmaajo uu Baarlamanka ka codsan doono muddo kordhin, hayeeshee warar soo baxaya ay sheegayaan in warkaasi aan waxba kajirin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments