Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wajahan magaalada Muqdisho, waxaana lagu kala tagay shirkii Madaxda uga socday Dhuusamareeb.
Wasiirka Warfaafinta Dubbe oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada ayaa sheegaya in labada qodob ee shirka fashiliyey ay tahay.
1-arrinta Gedo oo Jubbaland lagu eedeyey in ay barataareyso dowlado shisheeye.
2-arrinta Somaliland oo guddomiye Cabdi Xaashi uu diiday in 4 Xubnood laga siiyo guddiga doorashada ee Somaliland.
Madaxweynaha ayaa maanta la hadli doono Baarlamanka Soomaaliya oo qaar kamid ah Senatorara Aqalka ay shirkaasi qaadaceen.