Thursday, August 11, 2022
HomeUncategorisedXildhibaannada Aqalka Sare oo laga saaray Kulanka Baarlamaanka & mursal oo ka...

Xildhibaannada Aqalka Sare oo laga saaray Kulanka Baarlamaanka & mursal oo ka hadlay

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow waxaa uu kulan uga furmay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalda Muqdisho, iyada oo Xildhibaannada Aqalka sare ee tegay Xarunta laga saaray kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kulanka uusan aheyn mid wadajir ah, balse uu yahay mid uu Madaxweyne Farmaajo kula hadlayo golaha Shacabka.

Gudoomiye Mursal oo oo fah faahin ka bixinayay kulanka ayaa sheegay in Madaxwyene Farmaajo uusan ka hadli doonin arrimo la xiriira muddo kororsi balse uu ka hadli doono xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan kulan wadajir ah ka codsaday xildhibaannada labada Aqal, balse layaab ay noqotay markii Gudodomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in Xildhibannada Golaha Shacabka kaliya ay kulanka leeyihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments