Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedQarax ka dhacay duleedka Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Qaraxaan oo ahaa mid Miino ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay deegaanka carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka u tababaran ee Haramacad oo ilaala ka haya shaqaalaha dhisaya wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay Saddex Askari, kuwaas oo kamid ahaa Ciidamada qaraxa lala beegsaday xilli ay ku jireen howlahooda Shaqo.

Ciidamada ayaa qaraxa kadib waxaa ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaas, waxaana hakad galay muddo daqiiado ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye..

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya weli kama hadlin qaraxaas, waxaana dhowr jeer weeraro qaarxyo ah lagu qaaday Injineerada Turkiga ee dhisaya  wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ku dhintay Injineero isuu jira Soomaali & turki.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments