Munaasabad uu Maamulka Gobolka Banaadir kula wareegey Adeegyada Caafimaadka ee ay Gobolka Banaadir ka bixiso Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magalaada Muqdihso.
Munaasabadda oo aad loo soo Agaasimey waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Wasiirka Caafimaadka XFS Dr. Fowzia Abiikar Nuur iyo Madax ka socota Dowladda Dhexe iyo Gobolka Banaadir oo uu ku jiro Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali-Yare).
Horay ayaa labada dhinac waxaa ay u soo saareen Guddiya la Shaqeeya in Maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo howlaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku guuleystay inay qorshahaas fuliyaan.