Thursday, August 11, 2022
HomeUncategorisedBeesha Caalamka oo War kasoo saaraya doorashooyinka & xaaladda dalka

Beesha Caalamka oo War kasoo saaraya doorashooyinka & xaaladda dalka

Xalay Saqdii dhexe ayuu ku ekaa muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo dowladiisa aysan ku guuleysan in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay aheyd mid cakiran, waxaana jiray dadaalo lagu doonayay in xal looga gaaro muranka kajira doorashooyinka, kuwaas oo an guuleysan.

Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ay xalay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in Maanta oo taariikhdu tahay 8-da Bisha Febaraayo 2021 aysan Maxamed Cabdullaahi Farmajo u aqoonsaneyn Madaxweyne.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa wada dadaalo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay, iyaga oo kulamo kala duwan la qaatay saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayan in saacadaha soo socda ay xubnaha Beesha Caalaka soo saaraan war-saxaafadeed ku saabsan xaalada dalka gaar ahaan arrimaha cakiran ee doorashooyinka dalka.

Xalay kulan dhinaca khadka Inetrnet-ka ah ayay Xubnaha Beesha Caalamka la yeesheen Madaxda dowlad Goboleedyada ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya, maadaama aan wax natiijo ah kasoo bixin kulankii Madaxda dowladda  & Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments