Monday, August 15, 2022
HomeUncategorisedDagaal ka dhacay Gobolka Bakool & faah faahin laga helayo

Dagaal ka dhacay Gobolka Bakool & faah faahin laga helayo

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya & Xubno ka tirsan AL-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Ciidamada Itoobiya iyo kuwa  dowladda ku leeyihiin degmadaas, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhowaad saacad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee aan sirasmi ah loo cadeyn karin maadaama xilli dambe oo xalay ah uu dagaalka dhacay.

Saraakiil ka tirsan Ciidada Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Xudur ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii dhacay ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana bilihii la soo dhaafay kajiray xaalado aad u daran, iyada oo dowladda Soomaaliya & Maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay go’doonka ka qaadayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments