Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedHowlgal dad lagu qabtay oo laga sameeyay Magaalada Jowha

Howlgal dad lagu qabtay oo laga sameeyay Magaalada Jowha

Ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hrshabeelle Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada.

Muddada uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, guryaha iyo dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Labo Xidigle Xasan Cabdulle Dhaqane ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay labo ruux oo la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska magaalada.

Taliyaha waxa uu sidoo kale u mahadcliyay shacabka ku nool caasimadda Hirshabeelle oo la sheqeeyay inta ay howlgalka wadeen ciidamada.

Howlgalkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli magaalada Jowhar ay u diyaar garboobeyso hadii lagu heshiiyo doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments