Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedMadaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo dib ugu laabtay degaanadooda

Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo dib ugu laabtay degaanadooda

Madaxweynaha Puntland Saciid cabdullaahi Deni & Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay Maanta dib ugu laabteen Magaalooyinka Garoowe & Kismaayo.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay Magaalada  Dhuusamareeb uga qeyb-galeen shirkii Madaxda dowladda,  dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir ee looga hadlayay arrimaha doorashooyinka, balse aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Magaalooyinka Garoowe & Kismaayo ayaa siyaabo kala duwan loogu soo kala dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid cabdullaahi Deni & Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Intii ay ku sugnaayeen magaalada Dhuusamareeb ka sokow ka qeyb-galka Shirkii wadatashiga ayaa hadana waxaa ay Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada ay la yeesheen kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayay xaalada dalka.

Sidoo kale Labada Madaxweyne ee Puntland & Jubbaland ayaa waxaa ay xalay qeyb ka ahaayeen kulan dhinaca khadka Internet-ka ah lagula yeeshay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, kaas oo ay kaga hadleen xaalada dalka & Arrimaha doorashooyinka.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynayaasha Puntland & Jubbalnad ay ka hadlaan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan shirkii fashilmay ee Dhuusamareeb oo uu Madaxweyne farmaajo ku eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments