Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedJubbaland & Puntland oo mowqif ka qaatay khilaafka doorashada

Jubbaland & Puntland oo mowqif ka qaatay khilaafka doorashada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada  Maamulkaas oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn waxaa golahu uu falanqayn iyo dood dheer ka yeeshay Xaalada Siyaasada dalka iyo mudo xileedka Dowlada Federaalka ah ee dhamaaday iyadoo la isku raacay in Jubaland ay sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha Doorashada.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Puntland ayaa Maanta yeeshay Kulan uu guddoomiyey Madaxweyne Deni oo uu wehlinayay kuxigeenkiisa, waxaana todobaadkan looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments