Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedWasaaradda waxbarashada oo shaqaale laga eryey iyo kuwa cusub oo la keensaday

Wasaaradda waxbarashada oo shaqaale laga eryey iyo kuwa cusub oo la keensaday

Mas’uuliyiinta cusub ee wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay shaqada ka eryeen ilaa 4 qof, oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda ee ku meel gaarka ah.

Shaqaalaha la ceyriyay oo isugu jira Gabdho iyo wiilal ayaa la sheegay in qaarkood ay xigto ahaayeen wasiirkii hore ee waxbarashada Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaana hadda badalay wasiirka cusub ee wasaaradda dhowaan loo magacaabay.

Shaqsiyaadka shaqada laga eryay ayaa lagu kala magacaabaa.

1- Maxamed Cilmi Xaanshi

2- Saadaq Mustaf Digyare
3- Axmed Salaad Guuleed

4- Xamdi Maxamed Dhicisow.

 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in dadkaan shaqada laga joojiyay sidoo kalane laga jartay gunno ay qaadan jireen waxaana boosaskooda la keensaday afar qof oo kale.

Gudaha Hay’adaha dowladda Soomaaliya waxaa ka jiro musuq maasuq waxaana dhibaato badan wajahaya dhallinyarada u shaqeeyo ha’adaha dowladda.

Previous articleGuddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyay soojeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15ka Febraayo 2021 lagu qabto Magaalada Muqdisho, halka Farmaajo uu dalbaday in lagu qabto Magaalada Garoowe. Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ku baaqay in la wada ilaaliyo nabad galyada iyo xasilloonida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaasi uu codsanayo inay goobjoog ka ahaadaan Ururada bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka si looga arrinsado badbaadada dalka heshiisna looga gaaro habraacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay. “ Sida aad la socotaan waxaa dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha iyo kana Baarlamaanka Federaalka, iyad aoo an hehsiis buuxa laga gaarin qabashada doorashooyinka Heer federal, saamileyda siyaasadeed ayaan ka wada qeyb-gelin shirarkii ay isugu yimaadeen Madaxda dowladda, dowlad Goboledyada & Gobolka Banaadir arrimahaas oo dalka geliyay xaalada cabsi ah ayaa lagu yiri” Qoraalka guddoomiyaha Aqalka sare. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu taageerayo go’aan walbo oo dalka lagu badbaadinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed kaas oo ay soo saaraan Musharixiinta xilka Madaxweynaha, dowlad Goboleedyada dalka, Bulshada rayidka ah iyo Beesha Caalamka. Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli loo balansan yahay in markale la qabto shir u dhaxeeya Madaxda dowladda, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo uu xalay iclaamiyay Madaxweynaha mudada xilheyntiisa ay dhamaatay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Next articleDowladda oo ku adkeysatay in shirka 15-ka Febraayo uu ka dhacayo GAROOWE
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments