Tuesday, June 28, 2022
HomeXulashadaGaari Walxaha Qarxa lagu soo raray ayaa ku qarxay Isgoyska Sayidka Magaalada...

Gaari Walxaha Qarxa lagu soo raray ayaa ku qarxay Isgoyska Sayidka Magaalada Muqdisho

Gaari Walxaha Qarxa lagu soo raray ayaa ku qarxay Isgoyska Sayidka Magaalada Muqdisho, waxaana kahor qaraxa la maqlay Rasaas ay rideen Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya oo ku sugan meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Dabka oo kamid ah meelaha lagu baaro Gawaarida u gudbaysa dhanka iyo Isgoyska Sayidka.

Khasaare Dhimasho & dhaawac ayaa jiro, inkasta oo aan la heyn tiro sugan, waxaana goobta tagay Gawaarida Gurmadka Degdega ah (Ambulances) si ay u qaadaan dadka waxyeelada gaartay si ay u geeyaan Goobaha Caafimaadka, waxaana sidoo kale gaaray Suxufiyiinta si ay usoo tebiyaan qaraxaas & Khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xiray wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Amniga.

La soco faah-faahinta…..

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments