Thursday, August 11, 2022
HomeUncategorisedKhasaaro hordhac ah oo laga helay qaraxa ka dhacay Muqdisho.

Khasaaro hordhac ah oo laga helay qaraxa ka dhacay Muqdisho.

Warar horudhac ah oo laga helay qaraxa ka dhacay  Barta Koontorool ee Ciidamada dowladda ku leeyihiin Isgoyska Sayidka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Goobjooge Warbaahinta kula hadlay goobta ayaa sheegay in Gaari NOHA cad ah oo ka yimid dhinaca wadada dheer ee Maka Al-Mukarama uu si xoowli ah kusoo dhaafay koontoroolka isgoyska dambka, isla markaana Ciidamada dowladda ay rasaaseeyeen sidaasina uu ku qarxay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in uu indhihiisa ku arkay meydka qofkii ismiidaamiyaha ahaa ee gaariga waday iyo qof kale oo wadada marayay iyo dhaawaca dadkale, sidoo kalena ay burbureen Mooto Bajaajyo dhowr ah.

Ciidamada dowladda ayaa xiray wadooyinka soo gala Isgoyska Dabka, iyaga oo u diidaya in dadka iyo gaadiidka ay isticmaalaan, waxaana goobta ka socda howlo looga nadiifinaya laamiga burburka gaariga qarxay iyo dhiiga dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha guud ee ka dhashay qaraxa, iyada oo dhowr jeer isgoyska sayidka ay ka dhaceen qaraxyo noocaan oo kale ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments