Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedMaamulka Gobolka Hiiraan oo wada qorsho looga hortagayo fatahaadaha

Maamulka Gobolka Hiiraan oo wada qorsho looga hortagayo fatahaadaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xubno ka tirsan  Masuuli Gudiga Fatahaada Beledweyne ayaa waxaa ay Maanta booqasho ku tageen Kaliga Waraaboole oo ay ka socdaan howlo lagu yareeynayo fatahaada wabiga shabeelle.

Ujeedka kormeerkooda ayaa waxaa uu ahaa sidii loo dardar gelin lahaa howlaha looga hortagayo fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo kusoo laab laabtay magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Guddiga Fatahaada Baladweyne Xaaji Cismaan dhagaxoow ayaa sheegay in ay socoto qodista Kiliga Waraaboole oo ku yaal Galbeedka xaafada lamagalaay, isla markaana uu rajeynayo in  sanadkaan aysan fatahaad ka dhicin Beledweyne.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in kiliga la qoday 2.5 Km isla markaana uu rajeynayo in la qodo ila 5km si wax looga qabto fatahaadaha, Biyaha Wabbigana uu u sii qaado.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan ayaa ugu baaqay dadka ku nool Gobolka Hiiraan looga baahan yahay inay gacmaha is qabsadaan si looga hortago fatahaadaha oo dhibato ku haaya Shacabka.

Waxa uu u mahad celiyay guddiga Fatahaada Baladweyne, waxana uu sheegay inay muhiim tahay in la dardar geliyo howlaha ka hortagga fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo sanad kasta ka dhaca Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga

Sanad kasta tira laba jeer ayaa waxaa Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyaa Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana fatahaada ka barakaca kumanaan qoys halka mararka qaar ay hanta ku baaba’do.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments