Monday, August 15, 2022
HomeUncategorisedSoomaali ka banaanbaxday dilalka loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika

Soomaali ka banaanbaxday dilalka loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika

Qaar kamid ah Soomaalida degan Magalada Port Elizabeth Ee Gobolka EC ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay dhigeen Banaanbax xoogan kadib Markii Afar Muwaadin  Soomaaliyeed ah lagu dilay Tuulooyin Hoosyimaada Magaladaas.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa ka qeyb-galay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo ku siman labada todobaad ay sii kordheen dilalka loo geysanyo Soomaalida, isla markaana 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay la dilay Afar muwaadin mid kalena la dhaawacay.

Waxaa ay sheegeen in kiiskooda ay u gudbiyen mas’uuliyiin ka tirsan Mamaulka  Magalada Port Elizabeth, hayeeshee aysan waxba ka qabin welina si caadi ah Soomaalida loogu dilayo Gudaha Magaalada, sidoo kalena hantidooda la boobayo.

Safaarada ay dowlada Soomaaliya ku leedahay dalka Koonfur Afrika  gaar ahaan magalada Pretoria ayay ku eedeeyeen in  aysan waxba kala socon dhibaatooyinka joogtada ah Ee Soomaalida loo geysto dalkani madaama Ilaa Iyo haatan aysan ka hadlin dilalkaas ama tallaabo u qaadin.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeya Soomalida, waxaana ay si joogt ah ula kulmaan dilal, dhaawac iyo in la boobo hantidooda, iyada oo dowladda Koonfur Afrika aysan waxba ka qaban Kooxaha Burcadda ah ee dhibka geysanaya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments