Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedDowlada Soomaaliya iyo QM oo qorsho wadajir ah bilaabay

Dowlada Soomaaliya iyo QM oo qorsho wadajir ah bilaabay

Heyada UNOCHA ee qaramada midoobay ayaa sheegtay in maanta lagu daah furay magaalada Muqdisho qorshe balaaran oo looga jawaabayo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira soomaaliya.

Qorshahan ayaa waxaa iska kaashanaya dowlada Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee gacanta ka geysta gargaarka bani’aadanimo.

Qorshaha ayaa u jeedkiisa waxa uu yahay in lagu caawiyo 4 malyuun oo qof kuwaas oo qeyb ka ah 5.9 malyuun oo u baahan gargaar.

Dadka la caawinayo waxaa qeyb ka ah dadka barakacayaasha ah oo ah kuwa ugu badan oo dhibaatada ay heysato.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments