Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay inay gaaraan Guddiga farsamada ka kala socda DFS, Dowlad Goboledyada & Gobolka Banaadir ee uu Magacaabay siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha ee Maxamed Xuseen Rooble.
Guddiga oo ka kooban 14 Xubnood ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta berito ah uu shir uga furmo Magaalada Baydhabo, waxaana shirkaasi faah faahin ka bixiyay Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Saciid Cali ( Qalinle) ayaa xaqiijiyay in Maamulka Koonfur Galbeed uu martigelinayo shirkaas, kaas oo Maalinta berito ah ka furmaayo Magaalada Baydhabo.
Wasiirka oo la hadlay Idaacadda BBC-da waxaa uu sheegay in shirka looga hadli doono waxyaabihii keenay fashilkii ku yimid Shirkii Dhuusamareeb4 , isla markaana uu rajeynayo in Madaxda ay qaadan doonaan waxyaabihii kasoo baxa shirkaas.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in qodobada ay soo saaraan guddiyada farsamada ay u gudbin doonaan Madaxda dowlad Goboleedyada, si ay ugu sii gudbiyaan Madaxda dowladda heshiisna looga gaaro khilaafka doorashooyinka.
Hoos Ka Akhriso Magacyada 14 Xubnood eek u shiraya Magaalada Baydhabo.
Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.
Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland
Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.
Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland
Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.
Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.
Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.
Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.