Thursday, August 11, 2022
HomeUncategorisedCiidamada Haramcad oo howlgal ka bilaabay Magalada Beledweyne

Ciidamada Haramcad oo howlgal ka bilaabay Magalada Beledweyne

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Maanta howlgallo kala duwan waxaa ay ka wadaan xaafadi ka tirsan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa sigaar ah waxaa ay howlgalka uga wadaan xaafada Nuur-Xawaad ee Magaalada Beledweyne, kaas oo amniga lagu xaqiijinaya.

Dad ku sugan Beledweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay baaritano xoogan ku sameynaya dadka iyo Gaadiidka ku kala gudbaya Buundada Nuur-Xawaad ee Magaalada Beledweyne.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Magaalada Beledweyne waxa faah faahin ah kama bixin howlgalka, hayeeshee waxaa Maanta siwyen looga dareemay Xaafada ku dhow dhow Xaafada Nuur-Xawaad.

Hwlgalkan maanta Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad Maanta ka bilaabeen Magalada Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Janeraal Xuud uu u qabtay Mas’uuliyiinta Hir-Shabeelle  inay 48 Saacadood uga baxaan Magaalada Beledweyne.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments