Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedWararkii ugu dambeeyay ee Shirka ka socda Baydhabo

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka ka socda Baydhabo

Guddiga Farsamo ee ku sugan shirka maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ayey suuragal tahay in maanta ay ku dhawaaqaan go’aan ku saabsan arrimaha doorashada Soomaaliya, sida uu bidhaamiyay wasiirka Dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,Saalax Axmed Jaamac.

Shir jaraa’id oo uu wasiirka ku qabtay magaalada Baydhabo ayuu ku sheegay in shirkooda uu socon doono “ilaa saqda dhexe ee habeennimo kaddib, maantana ay dib usii wadayaan.

“Guddoon iyo guddi baan yeelannay, si wada oggol ah oo isu tanaasul ku dhisan ayaan go’aamadeenna u gaadheynaa, shaqadana ilaa hadda si wadajir ah baan u wada wadnaa.

“Caawa ilaa kowda inaan shaqeyno ayaan rabnaa iyo barriba, waxaana ku rajo weyn nahay in ay howshu naga soo dhamaato oo dalkan uu doorasho wanaagsan oo si naad ah ku dhacda galo,” ayuu yidhi wasiirka.

Hadalkiisa ayaa laga dheehan karay in shirka uu yahay mid maanta laga filan karo go’aan.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments