WARAR

Madaxweynaha Puntland oo Taliyeyaal Magacaabay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha  Puntland ayaa waxaa lagu yiri”

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.
  2. Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo,

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: