Uncategorised

Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose & khasaaro ka dhashay

Duqeeynta oo geysatay khasaaro kala duwan ayaa kadhacday degaanka Buurta kuumba oo qiyaastii 12 kiilo mitir ujirta magaalada jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday Xarumo Al-Shabaab ay Ciidamadooda ku tababari jireen, isla markaana lagu dilay 15 Xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Xubno kale

ayaa lagu burburiyay xarun kooxda argagixisada al-shabaab ay kutababarijireen maleeshiyaadkooda oo halkaasi kutaalay.

Duqeeynta ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka xoogga Dalka iyo saaxiibadooda caalamka sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee qeybta 43-aad.

Saraakiisha ma faah faahin Magacyada Saraakiisha duqeynta lagu dilay, balse ay sheegeen inay dib Warbaahina ugu faah faahin doonaan.

Degaano ka tirsan Gobolada zjubbooyinka ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay duqeyn uu Mareykanka sheegtay in uu ku diay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab walow mararka qaar ay waxyeelo kasoo gaarto dad Shacab ah.

 

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: