Uncategorised

Jubbaland oo Amaro kusoo rogtay Goobaha Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay habraaca hortagga soo laba kacleynta cudurka COVID-19 ee iskuulada iyo goobaha Waxbarashada degaannada Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa algu sheegay in Wasaaradda la socoto soo labo kaclaynta cudurka halista ah ee COVID-19, kaas oo  saameeyey adeegyadii bulshada.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland waxaa ay sheegtay in ay garowsatay  khatarta cudurka COVID-19 uu ku yeelan karo adeegyadda waxbarashada iyo saameynta &  imtixaanka shaahadiga ah ee dugsi sare iyo kan dhexe ee fooda nagu soo haya.

Ugu dambeyn Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay go’aamo looga horagayo faafitaanka Cudurka Coronavirus, iyada oo ay si caadi ah u furnan doonaan Goobaha Waxbarashada, waxaana Go’aamadaas kamid ah.

1) In maamulka iyo macalimiinta ay fuliyaaan habraacyadda ay soo jeedisay wasaaradda caafimaadka ee looga hortagayo cudurka COvID-19.

2) Kormeerka dugsiyada in ay xaqijiyaan dhammaan fasaladda dugsiyada ay xirtaan af-xirka si loo ilaaliyo badqabka ardayda iyo bulshadda

3) In fadhiga ardayda fasaladda uu noqdo mid kala fog inta suurta galka ah.

4) In albaabka hore dugsiga la dhigo qalabka lagu cabiro heer kulka jįirka.

5) In albaabka hore ee dugsiga iyo fasalada la dhigo qalabka faxalka lana amro ardaydu in sijoogta ahu isticmaalaan

6) In la sameeyo gudiyo wacyigelin oo ka kooban Maamulka, ardayda, iyo Wasaaradda waxbarashada.

7) In lagu korjoogteeyo fulinta habraacyadaan Maamulka iyo macalimiinta dugsiyadda

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: