Ciidamada kumaansooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen degaanka gamboole oo qiyaastii 48 kiilo mitir u jira magaalada jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in bartilmaameedkooda uu ahaa Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan degaanka Gamboole, isla markaana ay howlgalka ku dileen.
Kusimaha Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska xoogga dalka DANAB ahna taliyaha ururka 7-aad ee guutada 16-aad dhamme Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa sheegay in howlgalka ku dileen ku dhawaad 10 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab tiro kalena ay dhaawaceen.
Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada waxaa uu sheegay in howlgalka ay kusoo qabteen hub farabadan iyo saanadkale oo Ciidan , isla markaana uu howlgalka ka dambeeyay akadib markii ay ka warheleen in Al-Shabaab dadka ku dhibaateeynayaan degaanka Gamboole oo hoostaga Magaalada Jowhar.
Ciidamada kumaansooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaan o iyo degmooyin ka tirsan labada Shabeelle & Jubbooyinka, iyaga oo sidoo kale dagaal la galay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.