Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii Cusub Cudurka Coronavirus ah lagana diiwaangeliyay dalka muddo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay la baaray 1,199 ruux, balse cudurka laga helay 126qof.
Dadka Cudurka laga helay ayaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogan, 74 Ruux Gobolka Banaadir, 41 kamid ah degaannada Soomaliland 6 , Jubbaland 4 Hir-Shabeelle halka Galmudug laga diiwangeliyay 1 qof.
Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa 87 Ruux waxaa ay yihiin rag halka 39 kale ay yihiin dumar, waxaana Cudurka u geeriyooday 24-kii saac ee la soo dhaafay 6 Ruux halka 32 Ruux ay ka bogsadeen.
Ugu dambeyn Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ayaa sheegtay in tan iyo markii cudurka uu soo laba kacleeyay la diiwaangeliyay : 7,518 Ruux 3,846 ay ka bogsadeen halka ay u geeriyoodeen 249.