Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedDowladda Soomaaliya & QM oo ka wada hadlay ka hortagga Askareynta Carruurta

Dowladda Soomaaliya & QM oo ka wada hadlay ka hortagga Askareynta Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeybgalay kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga Ee Zoom-ka kaas oo ay ka qeybgalayeen Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobe Ee Somaliya James Swan iyo Madaxa Hay’adda UNICEF Ee Soomaaliya Jesper Muller.

Sidoo kale waxaa ka qeybgalayay kulanka Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Cabdi kooshin ,waxaana diiradda lagu saaray ka hortagga askareynta Caruurta ,Wasiirka Difaaca ayaa tilmaamay in DFS dadaal galisay arimahaas ,sidoo kale Wakiilka QM iyo UNICEF iyo UNSOM ayaa DFS waxay ku ammaaneen dadaalada ay galisay ka hortaggga askareynya Caruurta iyo fulinta heshiisyada Caalamiga ah ee hore Soomaaliya u saxiixday.

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa xusay dhowr tallaabo oo muhiim ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday ee ku aaddan hannaanka hirgelinta Qaraarkii UNSC ee 1612 (2005) oo ay ka mid tahay:-

• Saxiixidda laba Qorshe Hawleed sanadkii 2012 ee kala ah joojinta qorista iyo adeegsiga iyo joojinta dilka iyo curyaaminta carruurta.

• Bixinta Amarka Guud ee Taliyaha Ciidanka XDS ee 21 Ogosto 2017 si looga hortago qorista iyo adeegsiga carruurta iyo xadgudubyada kale ee waaweyn ee ka dhanka ah carruurta ee ay geystaan Ciidanka .

• Saxiixidda Qorshaha hirgelinta qorshayaasha waxqabad ee lagu joojinayo qorista iyo adeegsiga iyo sidoo kale dilka iyo curyaaminta Carruurta ee ay geysteen Ciidamada sannadka 2019-ka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments