Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Puntland ayaa muddo lix cisho ah u qabtay 14 qof oo u shaqeeya Qaramada Midoobey, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay iska bixin waayeen cashuurtii ku waajibtay.
Xeer-ilaaliye kuxigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in hadii mudadaas loo qabtay cashuurta ku bixin waayaan shaqaalahaasi ay ka joojin doonaan in ay ka shaqeeyaan Puntland, xabsina dhigi doonaan.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in 14 galdacwadeed laga soo gudbiyay Shaqaalaha Qaramada Midoobay taas oo ku aadan in ay diideen inay bixiyaan Canshuurta ku waajibtay.
Magacyada Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee mudada 6 Cishada ah loo qabtay ayaa waxaa uu Xeer ilaaliye kuxigeenka Punland ku kala sheegay.
1: Saciid Cali Cabdullaahi oo u shaqeeya Hay’adda UNDP
2: Maxamed Cali Faarax oo u Shaqeeya UNDP
3: Xaawo Cumar Maxamuud oo u Shaqeeysa UNDP
4: Cabdixakiin Cabdullaahi Nuux u Shaqeeya WFP.
5: Saciid Abshir Yuusuf oo u Shaqeysa FAO.
6: Cabdullaahi Warsame Maxamed oo u Shaqeeysa RCO
7: Maxamed kuluc Faarax oo u Shaqeeya Hay’adda WHO
8: Cabdixakiin Barre Nuur oo u Shaqeeya WHO
9: Cabdinuur Cismaan Maxamed oo u Shaqeeya WHO.
10: Cabduqaadir Saciid Cabdiraxmaan oo u Shaqeeya WHO.
11: Axmed Maxamed Nuux oo u Shaqeeya WHO.
12: Cismaan Cabdinuur Cumar oo u Shaqeeya WFP.
13: Maxamed Xasan Cusmaan oo u Shaqeeya Hay’adda FAO.
14: Samiiro Xasan Cismaan oo u Shaqeeysa UNFPA