Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedQM oo cambaareeysay qarixii ka dhacay Magaalada Muqdisho

QM oo cambaareeysay qarixii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeysay qarixii geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhacay Maqaayada luul  Yemeni ee degmada Xamar Jajab Gobolkan Banaadir.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya aya waxa loogu tacsiyadeeyay dakii ku dhintay qaraxa, halka caafimaad loo rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay ayaa lagu yiri” Qoraalka QM.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen 10 Ruux  30 kalena ay ku dhaawacmeen, waana markii labaad ee qarax lagu weeraro Maqaayada Luul Yemeni, waxaana mas’uuliyada qaraxa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments