Thursday, August 11, 2022
HomeUncategorisedGaari Uu Xirnaa Codbaahiye Dadka Looga Ka Wacyi-Gelinayo COVID-19 Oo Lagu Qarxiyay...

Gaari Uu Xirnaa Codbaahiye Dadka Looga Ka Wacyi-Gelinayo COVID-19 Oo Lagu Qarxiyay Muqdisho

Jug qarax xoogan oo laga maqalay xaafaddo degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Goor dhow ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay ku xirnaayeen Mikaroofanayo, isla markaana lala looga Wacyo-gelinayay Cudurka halista ah ee COVID-19, xili uu marayay meel ku dhow Garoonka Qoob-doore.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad la socday gaariga la qarxiyay oo xiligaas ka dhex daarnaa Cod laga doobay oo dadka looga Wacyo-gelinayo faafida Cudurka.

 

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ku dhintay Darawalkii waday gaariga iyo saddex Askari oo la socday, kuwaasi oo loola cararay Xarun Caafimaad, si loogu daaweyo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray waddooyinka halkaas gala , sidoo kalena wada baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxa.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli wax war ah kasoo saaray qaraxaas khasaaraha geystay eek a dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana markii ugu horreeysay ee la qarxiyo gaari lagu xiray sameecado dadka looga wacyi-gelinayo Cudurka COVID-19.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments