Uncategorised

Musharaxiinta Oo War Kasoo Saaray Shirka Madaxda Ee Ka Dhacaya Xalane

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa War kasoo saaray xaaladda amni ee dalka, Cudurka halista ah ee COVID-19 ee kusii faafay gudaha dalka iyo Shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee dhacaya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu Cambaareeyay weeraradii lagu qaaday Maqaayada Luul Yemeni iyo midkii shalay ee Xerada Xalane, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin falalkaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta ayaa falalkaas ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dad diidan nabadda iyo heshiis laga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana furad ka helay fashilka amni ee dowladda.

 

Golaha ayaa  Shacabka SOomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaran faafida Cudurka halista ah ee COVID-19, ayna ka feejignadan dhibaatooyinka amni darro eek a dhacaya dalka ee kuwa geysanaya ka faa’iideysanayaan Jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira.

Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee la filayo inuu todobaadkan ka dhaco Teendhada Afisyooni ee Xerada Xalane.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta Madaxweynaha.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: