Uncategorised

Musharax Geelle oo ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Axmed Jaamac

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo  lagu aasay dalka Jabuuti.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa tilmaamay  in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, nabaddeynta, dib u heshiisiinta iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee xal u helidda dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa:

Waxaan murugada la qaybsanayaa bulshada  Soomaalida, ehellada iyo qoyska uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo ku geeriyooday  Jabuuti, geerida Suldaan waxaan si gaar ah uga tacsiyeenayaa dowladda iyo shacabka Puntland.

Suldaan Jaamac wuxuu ka mid ahaa odeyaasha dhaqanka Puntland, wuxuuna kaalin wayn ka qaatay dib u heshiisiinta Soomaaliya burburki kadib.

Waxaan Alle uga baryayaa Marxuumka in jannadi Firdowso ka waraabiyo sabar iyo iimaan alle naga siiyo dhammaanteen.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: