Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedSheekh Shariif oo Farriin ku aadan dacwada badda u diray bulshada Soomaaliyeed

Sheekh Shariif oo Farriin ku aadan dacwada badda u diray bulshada Soomaaliyeed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa farriin u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed taasoo ku aadan dacwada Soomaaliya ee goor dhow ka bilaaban doona magaalada Hogue oo ay ku taalla Maxkamada ICJ.

Waxaa uu sheegay in mucaarad iyo Muxaafad la doonaya in loo midoobo sidii loo soo celin hantida Soomaaliyeed oo ah mid muhiim.

Waxaa uu ugu dambeyntii tilmaamay Mudane Shariif Sheekh Axmed in loo baahan yahay in aan la siyaasadeyn dacwada.

War uu soo saaray Shariif ayaa siddan u qornaa:

Maanta waa maalin ku weyn qalbiyaddeena, waa maalin ay dacwaddii badda ee u dhaxaysay dalkeenna Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabaneyso Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, waana maalin ay qormayso taariikh cusub oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin.

Waa arrin u baahan inay u midoobaan Soomaali meel kasta oo ay joogto, waa arrin aan la siyaasadayn karin ama loo adeegsan karin dano gaar ah.

Waxaan bogaadinayaa Wafdiga iyo Qareennada nagu matalaya dacwadda, waxaan Alle ka rajaynayaa inay halkaas guushu ku raacdo Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments