Uncategorised

Wararkii ugu dambeyay Kiiska Dacwada badda

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Hogue uu ka bilaabato Dacwada badda Soomaaliya ee Kenya ay ku heysato.

Wafdi uu hogaaminaayo ra,iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku sugan Maxkamada.

Masuuliyiinta ku sugan Hogue ayaa xalay ku adkeystay in ay tagayaan maxkamada ayna qaadanayaan doorkooda ayna difaacanayaan badda.

Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga dacwadda badda kaas oo berri ka bilaabmaya maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, sida uu ku warramayo wargeyska Daily Nation.

Wargeyska wuxuu ku warramay in uu arkay dokumenti muujinayo in Kenya ay go’aansatay in aysan ka qeybgeli doonin kiiska isla markaana maxkamadda aysan wax dan ah ka laheyn codsigooda ahaa in dib loo dhigo kiiska cudurka safmarka ee Karoona dartii.

Sidoo kale, wargeyska The Standard ee kasoo baxa Kenya oo soo xiganayo ilo wareedyo ayaa ku warramaya in Kenya la filayo inay gudbiso warqad ay ku sheegeyso in aysan ka qeybgeli doonin dhageysiga dacwadda.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: