Uncategorised

Musharax Sheegay In Ciidanka Xoogga Dalka Loo Kala Qeybinayo Laba Dhinac

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu xog ku helay in Ciidanka xoogga dalka loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kuwo shaki laga qabo.

Musharax C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu tilmaamay in xogta uu helay ee Ciidamada ay ku howlan yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi.

 

“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan” ayuu ku yiri Qoraal uu CC Shakuur soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale Qoraalkiisa ayaa waxaa uu intaas uu kusii daray “Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka.”

Ugu dambeyn Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur ayaa Taliye Odawaa uga digay in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, isla markaana looga baahan yahay inuu ogaado in arrintaas uu dembi ku geli karo.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: