Monday, June 27, 2022
HomeUncategorisedDowladda Oo Maalintii Labaad Ciidamo Hor Leh Geeysay Gedo

Dowladda Oo Maalintii Labaad Ciidamo Hor Leh Geeysay Gedo

Diyaarada sida Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii Maanta ka degtay Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dowladda Federaalka oo maalintii labaad Ciidamo badan diyaarad qaas ah uga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa ka dejisay Garoonka diyaaradaha Doolow, iyadoona halkaas ay kusoo dhaweeyeen Ciidamada Saraakiil ka tirsan dowladda oo halkaas jooga.

Sawirro laga soo qaaday Ciidamada ayaa lagu arkayay iyaga oo watay hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana Garoonka looga soo qaaday gaadiid nooca dagaalka, iyagoona la geeyay Xarumo loogu tala-galay in la dejiyo.

 

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka maalintii labaad la dejiyay Gobolka Gedo ay yihiin kuwo gaar ah oo dowladda Turkiga tababartay, kuwaasi oo kamid noqonaya Ciidanka dowladda ee horey Gobolkaas loo geeyay.

Shalay ayey aheyd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay degmada Doolow ee Gedo ka geeysay Ciidamo badan, Hub iyo gaadiid dagaal oo diyaarado gaar ah looga qaaday Magaalada Muqdisho.

Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Maanta Qoraal soo saartay ayaa waxaa ay uga hadashay Ciidanka dowladda ku daabushy Gedo, iyagoona sheegtay in Ciidan la geeyay Gobolkaas, iyada oo ay jiraan abaaro darran, dowladana laga sugayay Gurmad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments