Uncategorised

Puntland oo shaacisay waqtiga la bilaabayo tallaalka Coronavirus

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo ay weheliyaan wasiiru dawlaha wasaaradda iyo agaasimaha guud ayaashir gudoomiyay  kulan ay lahaayeen guddiga farsamo ee ka shaqaynayay qaabka loo bilaabayo talaalka Covid19.

Guddiga heer wasaaraddeed ayaa ka shaqaynayay tan iyo markii talaalku soo gaaray Puntland 16 bishan aan ku jirno ee Marso sidii looga shaqayn laha goobaha talaalka laga bilaabayo iyo sidii waqtiga ugu dhaw loo gaarsiin lahaa.

Wasiirka oo shirka kadib warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa yiri:-

“ kadib markii uu soo gaaray Puntland talaalka Covid19 Puntland waxaa wasaaraddu ka shaqaynaysay sii loo diyaari lahaa meelaha laga bixinayo talaalka iyo sidii loo gaarsiin lahaa deegaanada Puntland iyo jaangoynta waqtiga talaalka laga bilaabayo Puntland.”

Shir aan maanta la yeeshay guddiga farsamo ee heer wasaaraddeed uuna hogaaminayo agaasimaha guud oo iskugu jira agaasimayaal dhakhaatiir, lataliyaal sare iyo saraakiil ka socday hay’addaha UNICEF iyo WHO, waxaan idinla wadaagayaa in sabtida soo socota laga bilaabi doono bixinta talaalka ilaa 30 xarumood kuwaasi oo ku kala yaala degmooyinka Puntland, waxaana anaga oo ka wada shaqaynayna guddi heer dawlada dhexe ah oo ay xubno ka yihiin Madaxtooyada, wasaaraddaha Warfaafinta, arimaha gudaha waxbarashada aan bilawnay diiwaangalinta dadka safka hore oo ay ka midyihiin macalimiinta dugsiyada, dhakhaartiirta, ciidmada booliska iyo dadka waaweyn.”

“Talaalka oo ah wajiga koowaad kana kooban 40,000 Dos waxaan ugu talagalnay in lagu talaalo ilaa 40,000 oo qof oo reer Puntland ah. Wasaaradda waxaa ka go’an in ay garaan dhamaan dadka loogu talagalay sidoo kalena ay ilaaliyaan in ay dhacdo in wax ka khasaaraan talaalka madaama uu koobanyahay, wajiga labaad ee talaalka ayaa qorshuhu yahay inuu Puntland soo gaaro labo toddobaad ilaa Saddex todobaad.”

Magaalada Muqdisho ayaa dowladda Soomaaliya ka bilaawday tallaaka cudurka COVID-19, waxaana dadka qaatay kamid ah Madaxweynaha mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo & qaar kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: