Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedMareykanka Oo Farmaajo Ka Dalbaday Inuu Qabto Shir Ay U Dhan Yihin...

Mareykanka Oo Farmaajo Ka Dalbaday Inuu Qabto Shir Ay U Dhan Yihin M/Goboleedyada

Safaaradda mareykanka ee SOomaaliya ayaa Goor dhow War cusub kasoo saartay Shirka Madaxda dowladda Federtaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee la filayo inuu si rasmi ah uga furmo Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo looga dalbaday inuu qabto Shirka wadatashiga ee looga hadlayo doorashada, isla markaana ay ka wada qeyb galaan dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada.

 

Sidoo kale Mareykanka ayaa Madaxda Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ugu baaqay inay ka qeyb galaanka Shirka, isla markaana aysan ku xiran wax shuruudo ah.

Safiirka Mareykanka ayaa hore Madaxda dowlad Goboleedyada dalka ku amray in aysan Caasimadda dalka ka tegi karin ilaa heshiis laga gaaro doorashada dalka ka dhaceysa, lana qabto shir looga hadlayo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments