Uncategorised

Beesha Caalamka Oo Shaacisay In Aysan Taageeri Doonin Doorasho Hal Dhinac Ah

Beesha Caalamka ayaa goor dhow War cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaadka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo weli heshiis rasmi ah laga gaarin.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo xiligii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay yeelan lahaayeen Shir wadatashi ah oo heshiis looga gaarayo khilaafka doorashada, maadaama dhammaantood ay ku sugan yihiin Magaalada muqdisho.

 

Beesha Caalamka ayaa si Cad u sheegtay in aysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hor.

“Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka. Saaxiibbada caalamku waxa ay mar kale ku celinayaan ” in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda  ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: