Monday, August 15, 2022
HomeUncategorisedHeshiiska Cabdirashiid Janan Uu La Galay Dowladda Federaalka Oo La Shaaciyay

Heshiiska Cabdirashiid Janan Uu La Galay Dowladda Federaalka Oo La Shaaciyay

Wasiirkii amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashii Xasan Cabdinuur Janan ayaa si rasmi ah heshiis ula saxiixday dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Goor dhow la shaaciyay.

Wariye Bashiir Maxamed Caato oo ka tirsan  Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da ayaa  shaaciyay qodobada heshiiska Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu la gaaray dowladda Feederaalka Soomaaliya.

Janan ayaa sheegay in dowladda Federaalka uu heshiiska galay isaga oo ah Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland, ayna la socdaan Ciidamo gaaraya ilaa iyo 400 iyo 36 gaari oo nooca dagaalka ah.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka la socda ay la wareegeyso dowladda Federaalka, waxaana heshiiska Janan iyo dowladda ay wada gaareen uu ahaa qodobadan:

 

  1. In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland
  2. In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.

3 In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya

  1. In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay
  2. In uusan siyaasadda ka bixi doonin

Waxaa kale oo uu Janan sheegay in intaas oo dhan uu ku saleeyay abaaraha iyo collaadda ka taagan gobolka Gedo, uusan dooneynna in uu qeyb ka noqdo is-jidjiidka siyaasadeed ee Xamar ka socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments