Monday, August 15, 2022
HomeUncategorisedTaliye Fahad Yaasiin Iyo Cabdirashiid Janan Oo Kulan Gaar Ah U Socda

Taliye Fahad Yaasiin Iyo Cabdirashiid Janan Oo Kulan Gaar Ah U Socda

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayaa haatan waxaa uu shir Albaabada u xiran yihii uga socdaa degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Taliye Fahad Yaasiin iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa Maanta gaaray degmada Doolow, iyagoona uga sii gudbay dhinaca Balad-xaawo oo uu tegay Cabdirashiid Janan.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka u socda Fahad iyo Janan uu dhameystir u yahay heshiis dhexmaray dowladda Federaalka iyo Janan, waxaana la filayaa in C/rashiid Janan galabta la keeno Magaalada Muqdisho

 

Sidoo kale Doolow ayaa haatan waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Federaalka, iyagoona qeyb ka ah Mas’uuliyiinta Caasimadda dalka keeni doona Wasiirkii hore ee amniga Maamulka, iyadoo diyaaradda qaadi laheyd ay taagan tahay Garooka degmadaas.

Warar kale ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu maalmaha soo socdo u gudbi doono dalka Turkiga, halkaasoo dowladda Federaalka ay ku deegaameyneyso, sidoo kale waxaa la filayaa in dowladdu soo saarto warqad lagu cafinayo, maadaama loo heystay dambiyo la xiriira xuquuqda bani’aadanimada.

C/rashiid Janan ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu heshiis la galay dowladda, isla markaana waxaa xilka qaadis ku sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kadib markii uu heshiiska la galay dowladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments