Thursday, August 11, 2022
HomeUncategorisedWararka Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Turkiga?

Wararka Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, iyaga oo ka wada hadlay Arrimaha muhiim ah.

Kulanka oo ku qabsoomay hab-ka maqal iyo muuqaalka ah ee (Zoom), ayaa labada mas’uul waxaa ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada.

“Waxaan kulan kula qaatay hab-ka maqal iyo muuqaalka ah ee (Zoom), Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada ayuu yiri” Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland saciid Cabdullaahi Deni ayaa tabasho ka qabay dowladda Turkiga kadib markii uu sheegay in Ciidamada ay Soomaaliya u tababaraan siyaasad loo adeegsaday, isla markaana lagu weeraray dadka ka aragti duwan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments