Uncategorised

Diyaarad Siday Wafdi Ka Socda Imaaraadka Oo Laga Celiyay Garoon Ku Yaal Somalia

Wararka aan ka heleyno Garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalo xeebeeedka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas laga celiyay diyaarad sidday wafdi ka socday Imaaraadka Carabta.

Dad ayaa ku warramay in goorsii horreeysay oo saakay ah ay Garoonka diyaaradaha Garacad tageen dadka deegaanka oo is abaabulay, kuwaasi oo la sheegay inay hub wateen, iyagoona diiday in diyaarada ku soo degto Garoonka.

 

Duuliyihii waday Diyaarada sidday wafdiga ka socdy Imaaraadka Carabta ayaa isku dayay inuu diyaarad ku dejiyo Garoonka, hayeeshee uu ka war helay in aan Garoonka lagu degi karin, isla markaana ay dib uga laabteen halkaas.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in diyaarada ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland oo qeyb ka ahaa wafdiga Imaaraadka, iyadoona aan la ogeyn ujeedka wafdigii Maanta laga geliyay magaalo xeebeeedka Garacad.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in saakay meel ku dhow Garoonka diyaaradaha ay ku arkeen Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Badda ee dowlad Goboleedka Puntland.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: