Ururada Soomaaliyeed ee Bristol Somali Forum iyo Somali Resource Centre ayaa door weyn ka qaatay abaabulka barnaamijkan iyagoo kaashanaayey Wellspring Surgery oo ah xarun caafimaad oo ku taala xaafada ay dadka Soomaaliyeed aad ugu badan yihiin. Barton Hill Settlement iyo Bristol Multifaith Forum ayaa iyagana kaalin mug weyn ah ku lahaa ololahaan.
Saacado yar gudahood 150 qofood ayaa isla goobta lagu talaalay. In ka badan 80 qofood dadkaa waxay ka tirsanaayeen jaaliyada Soomaaliyeed.
Waxaa xusid mudan in guud ahaan wadanka Ingariiska iyo magaaladan Bristolba ay dadka laga tirada badan yahay ay aad ugu yar tahay qaadashada talaalka Koroonaha. Laakin waxaad moodaa in manta ay maalmaha kale ka duwaneed. Dadka waxay ku jireen safaf dhaadheer, wejiyadoodana waxaa ka muuqday farxad iyo reyn reyn.
Wadankan Ingariiska waxa uu ka mid yahay dalalka uu sida aadka ah u saameeyay cudurkan saf mareenka ah. 4.5 malyuun oo qofood ayu uku dhacay covid-19. Dhimashada waxay gaareeysaa 150 kun. Ilaalaa iyo hada waxaa la talaalay 31 Malyuun oo qofood.
https://youtu.be/6pElzpMITVI?t=6