Uncategorised

Xukuumadda Xil-Gaarsiinta Oo Ka Hadashay Shirka Madaxda Uga Socda Afisyooni

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ayaa ka hadashay Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga socda Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xeradab Xalane ee Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa waxaa uu ku sheegay in Shirka u socda Madaxd uu furay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, uuna shirka hordhac u yahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Shirkaan lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo hirgalinta hishiikii 17 Sep iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

 

Shirkan maanta furmay ayaa waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka ayaa lagu dhammeystirayaa dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo hirgalinta hishiikii 17 Sep iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: