Maamulka Puntland ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta deegaanadooda ku amray in la hakiyo doollarka danabaysan ee taleefannada, isla markaasna lagu beddelo Shilinka Soomaaliga oo danabaysan.
Qoraal kasoo baxay Guddiga xalinta dhibaatada Suuqa Lacagaha Puntland in weli aan si buuxda loo adeegsan lacagta Shillin Soomaaliga, uuna jiro qiimo koror alaabaha iyo adeegyada dadka danyar ay ku iiban jireen lacagta Shillinka.
Sidoo kale Guddiga xalinta dhibaatada ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta Magaalooyinka Puntland faray inay go’aanka lasoo saaray ku dhaqan-geliyaan muddo shan maalmood oo ka bilaabaneysa 3-da bishaan April 2021.
Amarkaan oo ka soo baxay Guddiga Xallinta Dhibaatada Sicir-bararka Puntland waxaa looga waxaa uu ujeedkiisu yahay in wax laga qabto sicir-bararka, sida ay Guddiga sheegeen. Qoraalka kasoo baxay Guddiga.