Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Qoraal kooban oo uu Deni soo dhigay bartiisa Facbeook ayaa waxaa uu ku cambaareeyay qaraxaas, isaga oo ku baaqay in hal meel looga wada soo jeesto Al-Shabaab.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Madaxwyenaha Maamulka Puntland.
Waxaan tacsida la wadaagaya qoysaskii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka baxeen dhallinyaradii caawa argagixisadu ku xasuuqday iyagoo ku fiidsanaya magaalada Muqdisho.
Tani waa mid muujinaysa in Argagixisadu ay beegsanayso haldoorka iyo mustaqbalkeenii berito, sidaasi darteed waan cambaareynaya falkaasi waxaana loo baahanyahay in meel looga soo wadajeesto dhagar qabayaasha xasuuqaya ummadeena meelwalba oo ay joogaan.