Uncategorised

Shirka Madaxda DF Iyo M/Goboleedyada Oo Maalintii 2-Aad Ka Socda Afisyooni

Shir u dheexeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo shalay ka furmay Teendhada Afisyooni ayaa Maanta galay maalintii labaad, waxaana Shirka labaad uu furmay goor dhaweyd.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlayaa Ajedayaasha Shirka Wadatashiga doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa oo Madaxda ay isku fahmi la’yihiin in muddo ah.

 

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, dhamaan Madaxda maamul Goboleeydada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in shalay Madaxda ay siweyn dood ku aadan Ajendayaasha shirka soo socda ay dhexmartay, in kastoo la tilmaamay in uusan jirin wax horumar ah oo Madaxda ay wada gaareen.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa waxaa cadaadis xoogan uu uga imaanayaa Beesha Caalamka oo dooneysa in Madaxda Soomaalida ay heshiis rasmi ah ka gaaran doorashada iyo khilaafka ka taagan.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: