Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedDowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka bilaawday qorsho ka dhan ah Maamulka Jubbaland

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka bilaawday qorsho ka dhan ah Maamulka Jubbaland

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta  Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa xafiiskiisa  kulan kula  qaatay  Odayaasha  Dhaqanka Beelaha dagga  degaannada Jubaland  iyo siyaasiyiin ka soo jeeda  DowladMaamulkaas.

War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in Odayaasha beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda ay u soo gudbiyee  Wasiirka cabashooyin  ku aaddan sida ay ku dhisantahay  Dowlad Goboleedka Jubaland.

Sidoo kale Warka ayaa waxaa lagu sheegay in Odayaasha & Siyaasiyiinta ay sheegeen in aysan  ku qanacsaneyn  guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana  ay daneynayaan  maamul lagu dhiso si wada ogal  ah, damaanad  qaadi  kara  Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland.

Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa ka dhageeystay cabashooyinka ay soo gudbiyeeyn  odayaasha beelaha dagga deegaannada Jubaland iyo siyaasiin ku wehliyay kulanka ay la qaateeyn Wasiirka.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo Madaxda muddo xileedkooda uu dhamaaday iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments