Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedPuntland oo ku dhawaaqday go’aamo ku saabsan xakameynta cudurka Karoonaha

Puntland oo ku dhawaaqday go’aamo ku saabsan xakameynta cudurka Karoonaha

Guddiga ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka Covid-19 ee Puntland ayaa si ku meelgaar ah u hakiyay goobaha waxbarashada ka dib markii ay kordheen kiisaska cudurka Karoonaha ee degaanada maamulka Puntland.

War kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in si kumeelgaar ah loo hakiyay howlihii waxbarshada ee ka socday dugsiyada asaasiga ah, macaahidda, jaamacadaha iwm, iyadoo tacliinta lagu sii wadi doono hab fogaan arag.

Guddiga ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka Covid-19 ee Puntland wuxuu kula taliyey wasaaradda waxbarashada in la soo hormariyo imtixaanka Naqliga.

Sidoo kale guddiga ayaa awaamiir kale oo la xiriira Covid-19 ka soo saaray masaajidda iyo goobaha iyo gaadiidka dadweynaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments